La-taliyihii Madaxweynaha ee Arrimaha Bariga, Fu’aad Aadan Cadde, oo si heer qaran ah loogu aasay Hargeysa

????????????????????????????????????

La-taliyihii Madaxweynaha ee Arrimaha Bariga, Fu’aad Aadan Cadde, oo 15kii Juulay ku geeriyooday cusbitaal ku yaal Turkiga ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Naasa-Hablood ee Hargeysa.

Aaska marxuumka waxa ka qayb-galay Madaxweyneha, guddoomiyaasha laba gole, guddoomiyayaasha xisbiyada, wasiirro, xildhibaano, masuuliyiinta xisbiyada, iyo dadweyne tiro badan oo isaga kala yimid gobollada dalka.

Dhammaan masuuliyiintii ka hadashay aaska marxuumka ayaa ilaahay ugu baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo imaan ka siiyo.

Marxuumka ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii adkayd ee uu kaga soo qayb galay dib-u-dhiska Somaliland.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u danbeeyey xannuun ugu jiifay cusbitaal ku yaalay Turkiga kaas oo uu ku geeriyooday.

bandhige@gmail.com