Elizabeth oo maanta noqonaysa boqoraddii ugu wakhtiga dheerayd taariikhda Ingiriiska

Boqoradda Ingiriiska Elizabeth ayaa maanta 5.00-ta galabnimo wakhtiga Ingiriiska ama 7.30-ka fiidnimo wakhtiga Somaliland noqonaysa qofkii ugu wakhtiga dheeraa ee soo hoggaamiya boqortooyada Ingiriiska marka la isku daro rag iyo dumar.

Rikoodhka ay maanta jebinayso Elizabeth waxa ka tagtay ayaydeed Victoria oo boqorad ka ahayd 63 sanno, 7 bilood, 2 maalmood, 16 saacadood iyo 23 daqiiqo. Marka ay Elizabeth hal daqiiqo dhaafto wakhtigan haddii cimrigeedu maanta ku simo, waxay noqonaysaa boqoraddii ugu wakhtiga dheerayd sidaas ayaanay taariikh cusub ku galaysaa.

Elizabeth waxa la caleemo saaray 1952-kii iyada oo 25 jir ah kadib markii uu aabaheed si lama-filaan ah u geeriyooday iyadoo wakhtigaas booqasho ku joogtay Kiiniya.

Wakhtigii ay xilka boqornmiada qabatay Elizabeth waxay ku soo beegantay iyadoo dalkeedu ka soo kabanayo burburkii ka soo gaadhay dagaalkii labaad ee dunida, taas oo lagu ammaano doorkii ay ka qaadatay.

Elizabeth waxa sidoo kale lagu ammaanaa in ay ku mintidday sii jiritaanka Boqortooyada Ingiriiska iyadoo wakhtigii ay boqoradda ahayd waddamo badani iska baabiyeen boqortooyooyinkoodii qaateena nidaamka Jamhuuriyadda.

Haweenayday 63-ka sannadood Ingiriiska boqoradda u ahayd waxa lagu tilmaamaa in ay tahay qof aan isqaad-qaad badnayn oo jecel in aanay aad uga dhex muuqan ama aanay muquunin dadka kale ee Ingiriiska ee u baahan in warbaahinta laga arko. Taas darteed waxa la sheegaa in xafladaha ay ka qayb-gasho ay ka badan yihiin kuwa ay ka cudur daarato.

Dad ay warbaahinta Ingiriisku waraysteen waxa kale oo ay sheegeen in da’deeda oo 89 ah aanay muuqaalkeedii beddelin oo ay weli u eg tahay qof wajigeedu qurux badan yahay.

Elizabeth waxay noqotay qofkii 40aad ee hoggaanka u qabta boqortooyada Ingiriiska taas oo uu soo bilaabay boqorkii la odhan jiray Norman King William kadib markii uu ka adkaaday boqorkii kale ee isagana la odhan jiray Anglo-Saxon Harold II dgaalkii ka dhacay Hastings.

Bandhige@gmail.com