Xukuumadda Faransiiska ayaa si weynu cambaareysay hadallo ka soo yeedhay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka dalkaasi, kuwaas oo sheegay in ay magaalooyinkooda ku soo dhaweyn doonaan qoxootiga Kiristaanka ah oo kali ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Bernard Cazeneuve ayaa canbaareeyey hadallada ka soo yeedhay guddoomiyeyaashaas, taasi oo ay saxaafaddu baahisay todobaadkan gudihiisa, xiisad weyna ka abuurtay gudaha Faransiiska.
Guddoomiyaha degmada Roene ee Faransiiska Yves Nicolin ayaa sheegay in uu magaaladiisa ku soo dhaweyn doono qoxoontiga reer Suuriya ee Kiristaanka ah, waxaanu yidhi:
‘’Aad ban u soo dhaweynayaa qoxoontiga reer Suuriya, hase ahaatee waa in ay yihiin kuwa kiristaanka ee ay kooxda xag-jirka ah ee Daacish ka soo barakicisay Suuriya.”
Waxaa isaguna sidoo kale u shaciyey in uu magaaladiisa ku soo dhaweyn doono dadka kiristaanka oo kaliyaata Duqa magaalada Belfort Damian Meslot.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Guddaha Faransiiska ayaa waxa uu cambaareeyey hadaladan ka soo yeedhay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka Faransiisk , isaga oo ku tilmaamay hadalo aan macquul ahayn, waxaanu sheegay inay jiraan dad badan oo Muslim ah oo ay kooxaha Daacish ka soo baro kiciyeen dhulkii ay deganaayeen.
Wasiirka Arimaha Gudaha Faransiiska ayaa sheegay in dadka diinta lagu kala soocaa aanay ahayn wax caqliga gali kara, laakiinse sida waajibka ahi ay tahay in dhammaan qoxoontiga loo gurmado.
Dawlada Faransiiska ayaa iyada ka mid ah dalalka la tacaalaya dadyawga qaxoontiga ah ee uga imanaya dalalka Africa iyo bariga dhexe, iyada oo sheegtay in toddobaadkan gudihiisa ay qaabili doonto 24,000 oo qaxoonti ah labbada sanno ee soo socda, balse ay tiradani aad uga yar tahay intii laga codsaday ee laga rabay in uu qaabilo waddankaasi.