Erdogan wuxu sheegay haddii Maraykanku safaaraddooda Quddus u raro khadkii casaa ee muslimiinta waa laga gudbay

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa ku hanjabay in uu xidhiidhka u jari doono Israa’iil haddii safaaradda Maraykanku dalkaas ku leeyahay loo raro Quddus taas oo ka dhigan in Maraykanku Quddus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

“Haddii Maraykanku safaaraddooda Quddus u raro, waxay taasi ka dhigan tahay in laga soo gudbay khadkii casaa ee Muslimiinta.”

Donald Trump ayaa la sheegay in uu ka fikirayo in uu safaaraddaas u raro Quddus wixii ka horreeya Isniinta.

Magaalada Quddus ayaa Yuhuudda iyo Falastiiniyiintu ay labaduba sheegtaan in ay magaalo-madaxdooda tahay, hase yeeshee ma jiro waddan dunida ah Maraykankana ha noqotee oo Quddus u aqoonsan magaalo-madaxda Israa’iil.

Haddii uu go’aankan qaato Maraykanku waxaa la saadaalinayaa in waddamo badan oo Islaam ah iyo dadweynaha Muslimiinta ay aad uga xanaajin doonto inkastoo Sucuudiga oo ka mid ah awoodaha Bariga dhexe uu haatan saaxiib dhaw la yahay Israa’iil iyadoo oo laga yaabo in Israa’iil ku fikirayso in ay gaca ka hesho waddankan saamaynta diineed iyo ta dhaqaale ku leh waddamo badan oo muslimiin ah.

Bandhige@gmail.com