Ex-Maxamed Faarax Qsbile oo ku Geeriyooday Burco

Hargeysa – Ale ha u naxariistee waxa magaalada Burco ku geeriyooday Xildhibaan hore Maxamed Farah Qabiile oo ka tirsanaa Golihii Wakiillada ee hore.

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa ergadii nabada ee dhexdhaxaadinaysay muddooyinkii u danbeeyey beelaha walaalah ee ku dirirayey hawdka Burco.

Marxuumku wuxuu ahaa siyaasi hal adag oo u ololeeya Caddaaladda iyo maamul wanaaga.

Marxuum Maxamed Faarax Qabile wuxuu ka tirsanaa xisbiga UCID oo aanu mar kaliya ka tagin sidii looga soo doortay xisbigaasi oo uu ka soo baxay gobolka Saaxil.