Faallo: Kulmiye intee ayuu ku sii tamarin karaa xalkii shalay la gaadhay?

In badan oo ka mid ah dadweynaha Somaliland ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey ka walaacsanaa halka uu ku biyo-shuban doono khilaafka ka dhex qarxay xisbul-xaakimka kadib markii la muddeeyey in Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye qabsoomi doono 10-ka November 2015. Werwerka laga qabo khilaafka Kulmiye inta badan wuxu ku salaysan yahay taariikh ahaan wixii hore uga soo dhacay shirarkii hore ee Golaha Dhexe ee Kulmiye.

Khilaafkii ugu horreeyey ee la kawsaday Golaha Dhexe ee Kulmiye waxa lagu xasuustaa loollankii murashaxa madaxweyne-xigeenka ee 2003-dii. Iyada oo ay murashaxiin kala ah Dr. Maxamed-Rashiid, Cabdillaahi Xasan Buuni iyo Xildhibaan Gaagaale ay in muddo ah ku hirdamayeen hanashada murashaxnimada madaxweyne-xigeenka Kulmiye ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ku soo biiray Cabdiraxmaan Aw Cali waanu kaga guulaystay. Saddexdii murashax ee laga guulaystay waxay hoggaankii xisbiga ku eedeeyeen in codadkii iyo ergaydii shirka labadaba la musuqmaasuqay.

Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee Burco lagu qabtay 2008-dii ee murashaxnimada loogu doortay Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici waxa ka dhacay khilaaf aad u ba’an kaas oo keenay in Guddoomiye-Xigeenkii koowaad ee wakhtigaas Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayihii Guud AHN Kayse Xasan Cige ay shirka ka baaqdaan ilaa intii xal laga gaadhayey arrimo ay saluugsanaayeen, taas oo ugu dambayntii lagu dhammeeyey in Muuse Biixi xilka guddoomiyenimo ee xisbiga la wareego Siilaanyo dabadii. Khilaafkaas waxa Kulmiye kaga hulleelay Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo taageerayaashiisii kadib markii Cabdiraxmaan-Saylici loo cumaamaday murashaxa madaxweyne-xigeenka.

Dhacdo kale oo shirarka Golaha Dhexe ee Kulmiye lagu xasuusto waxay ka dhacday Shirkii Golaha Dhexee ee ugu dambeeyey, kaas oo guddoomiye-xigeenkii koowaad ee wakhtigaas Cabdiraxmaan Cabdiqaadir xilka lagaga qaaday kadibna inta garbo-duub loo qabtay albaabka xoog lagaga saaray. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa dhacdadaas ka soo gaadhay dhaawac keenay in dibedda loola cararo, waxana cambaareeyey dadweyne badan oo ka soo kala jeeda gobollada dalka.

Dhacdooyinkaas iyo kuwa kale oo door ah ayaa keenay in Kulmiye haatana looga baqo burbur la mid ah kii ku dhacay xisbul-xaakimkii hore ee UDUB. Laakiin dadka waayo-aragga u ah siyaasadda xisbiyada Somaliland waxay Kulmiye ku tilmaamaan xisbi xariif ku ah hurinta iyo xallinta khilaafaadka labadaba. “Kulmiye wuu liicaa laakiin ma jabo” ayay yidhaahdaan.

Khilaafkan hadda taagani waxa uu bartii ugu sarray gaadhay 17-kii October kadib markii Maxamed Biixi, Cabdicasiis Samaale iyo Kijaandhe oo murashaxiinta Kulmiye ah isla markaana ay weheliyaan xubno wasiirro iyo xildhibaano isugu jira oo iyaga taageersani ay shir ku qabsadeen Guuleed Huteel kuna eedeeyeen Guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne-Xigeen Cabdiraxmaan-Saylici in ay afduubteen shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye. Waxa xusid mudan in murashaxiinta is-bahaystay oo markii hore doonayey in ay shirkooda ku qabsadaan Maansoor Huteel ciidan loo dalbaday lagana horjoogsaday taasna ay keentay in ay shirkoodii ula soo wareegaan Guuleed Huteel.

Dhacdadaas Guuleed Huteel waxay dadweynaha u muujisay ilaa heerka uu holci karo khilaafka kulmiye. Dad badanina waxa ay u arkayeen in uu Kulmiye ku yimid dildillaac weyn oo keeni kara in lagu kala dhaqaajiyo.
Haseyeeshee shirkii shalay labada dhinac isugu yimaadeen ayaa ahaa astaan kale oo xoog badan oo muujisay awoodda Kulmiye u leeyahay xallinta khilaafaadka. Guddoomiye Muuse Biixi oo madasha ka hadlay laftiisa ayaa qodobkaas carrabka ku dhuftay oo yidhi:

“Shir kastaa wuu leeyahay buuq iyo khilaaf, waa iska caadi taasi. Laakiin xigmaddu waxa ay ku jirtaa sidee loo xakameeyey. Kulmiyena in badan baan ka hadlay oo wuu leeyahay awoodda uu khilaafka ku xakameeyo.”

Markii Madaxweynaha Somaliland dalka ku soo laabtay Isniintii, labada dhinac waxa ay u kala baratameen sidii ay Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ee Qaranka ula kulmi lahaayeen.

Sida uu Bandhige xansaday, Guddoomiyaha Kulmiye oo kulanka ku horreeyey wuxu dacwad ka gudbiyey murashaxiinta isaga iska bahaystay iyo taageerayaashooda oo uu ku tilmaamay in ay u hoggaansami waayeen ku-simihii Madaxweynaha iyo madaxdii xisbiga isla markaana tafaraaruq iyo sumcad-xumo u horseedeen xisbul-xaakimka. Murashaxiinta is-bahaystay oo uu hor kacayey Maxamed Biixi isla markaana uu Samaale ka maqan yahay oo iyaguna la kulmay Madaxweynaha waxay ku eedeeyeen Muuse Biix, Cabdiraxmaan Saylici iyo Jaamac-Shabeel in ay afduubeen abaabulka Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye.

Kadib Madaxweynuhu wuxu xubnihii Golaha Wasiirrada iyo is-bahaysigii murashaxiintii Kulmiye ee shirka ku qabsaday Guuleed Huteel ka codsaday in ay xayndaabka xisbiga ku soo noqdaan, dhan kalena hoggaanka xisbiga intiisa murashaxiinta noqotay sida Guddoomiye Muuse Biixi, Madaxweyne-Xigeen Cabdiraxmaan-Saylici iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel wuxu ka codsaday in aanay maamulka shirka ka mid ahaan maadaama ay murashaxiin yihiin. Sidaas ayaanu labada dhinacba u tusay in doorasho xor ahi ku dhi karto.

Xalka shalay la gaadhay oo Telefishanka Star TV ku sifeeyey “xummad-jebin” sida muuqata wuxu ahaa waxa afka qalaad lagu yidhaa “win-win solution” ama xal labada dhinacba u arkaan in iyaga guushu raacday, waxana lagu soo koobay dhawrkan qodob:

  • In xurguftii ka dhalatay hab-agaasinka shirka laga heshiiyey.
  • In hoggaankii xisbiga uu sidiisii yahay laakiin murashaxiinta ay ka ay mid yihiin Muuse Biixi, Cabdiraxmaan-Saylici iyo Jaamac-Shabeel aanay gacan ku lahaan doonin agaasinka Shirka Golaha Dhexe, laakiin gadhwadeennada shirku ay noqon doonaan guddoomiye-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin, guddoomiye-xigeenka labaad Waabeeye, Guddoomiye-xigeenka saddexaad Talyanle, Xoghayaha Guud Xasan Siciid iyo Wasiir Caddami oo madaxweynuhu la-taliye ahaan ugu soo daray.
  • In aanay waxba ka jirin war ay warbaahinta qaar daabaceen oo sheegayey in guddi madaxbanaan loo magacaabay hab-maamulka shirkan.

Hase ahaatee su’aal muhiim ahi waxa ay tahay intee in leeg ayuu xalkani sii jiri doonaa. Dadka hab-dhaqanka siyaasadeed ee Kulmiye aadka u yaqaan waxa ay xalkan shalay ku sheegeen mid muhiim u ah hore-u-socodka shirka laakiin aan waxba ka tarin wixii la isku hayey oo ah cidda noqonaysa murashaxa madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka xisbiga Kulmiye.

“Maalmaha shirku soo dhawaado ama inta shirku socdo, mar kasta waxa la filan kalaa khilaaf hor leh oo ka dhex dhaca Kulmiye” ayuu yidhi xubin ka mid ah Golaha Dhexe laakiin ka cudurtaaday in magaciisa la xuso.

Dad badan ayaa sida xildhibaankaa aaminsan “in aan faanoole fari ka qodnayn.” Bal aan eegno sida ay wax u dhacaan maalmaha soo socda.

Hoos ka daawo muuqaalka Star TV ee heshiiskii Kulmiye ee shalay: