Shir xasaasi ah oo ka socda xarunta Kulmiye, waxa la falanqaynayaa hab-maamulka Shirka Golaha Dhexe

Shir xasaasi ah ayaa hadda ka socda xarunta xisbul-xaakimka oo ku taal xaafadda Jigjigayar, Hargeysa.

Shirkan ayaa sida muuqata waxa ku wada jira dhinacyada u tartamaya murashaxnimada madaxweynenimada ee Kulmiye.

Ajandaha shirka ayaa lagu sheegay in uu la xidhiidho sidii ay labada dhinacba ugu wada qanci lahaayeen hab-maamulka shirka. Warar hordhac ah oo aanu helayno welina aanaan xaqiijin karin ayaa sheegay in Muuse Biixi goostay in aanu ka mid noqon qabanqaabiyeyaasha shirka maadaa uu marashax yahay. Laakiin ku-xigeennaddiisu ay noqon doonaan kuwa rasmi ahaan shirka gacanta ku hayn doona.

Shir Kulmiye ah
Hoggaanka Kulmiye, Murashax Biixi, Wasiir Cukuse, Baashe- Xarunta Xisbiga. Xuquuqda Sawirka- Muniir A. Cigaal

Wariye Bandhige ah oo goobta ku sugan ayaa ku soo warramaya in ilaa hadda jawiga wada-haddalladu deggan yahay isla markaana is-af-garad hordhac ah la gaadhayo.

Murashaxiinta Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Biixi Yoonis ayaa madasha ka soo xaadiray. Hase ahaatee waxan lagu arag Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe.

Bandhige@gmail.com