Wasiirka Maaliyadda iyo Guddiga Dhaqaalah Golaha Wakiilada oo ka wada hadlay miisaaniyadda 2016-ka

Sannadka 2015-ka oo la galay dhamaadkiisa, oo loo diyaar garoobayo xisaabka xidhka sannadkaa iyo qorshe samaynta sannadka 2016-ka, ayaa waxay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo u wehelinayo Wasiiru-dawlaha Maaliyaddu xafiiskeeda ku qaabishay Guddiga dhaqaalaha golaha wakiiladda oo ka wada hadleen miisaaniyadda sannadka soo socda oo dhowaan ay horgeyn doonaan Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa shirkan lagaga hadlay socdaal ay dhowaan Gobollada ku soo mareen guddiga dhaqaalaha golaha wakiiladu oo dib u eegayeen sida ay miisaaniyadda sannadkan dhamaanaya uu u gaadhay gobollada.

Shirka ka dib Samsam Cabdi Aadan oo hadashay warbaahinta ayaa waxay tidhi:

Shirkan aannu saaka [shalay] halkan ku wada lahayn guddiga dhaqaalah ee golaha wakiilada waxaaanu ka wada hadlay miisaaniyadda soo socota horena aannu uga wada shaqayno, dhawaana ay gobollada iyo degmooyinka soo mareen iyaga oo tira koobaya sida ay miisaaniyaddu u gaadho gobollada iyo degmooyinka dalka aannu ku balanayna marka ay soo noqdaan inta aanan u gudbin aanu isla eegno, tii baana maanta noo qabsoontay.”

Gudoomiyaha gudida dhaqaalaha ee golaha wakiilada ayaa isaguna sheegay in wasaaradda maaliyadda oo ay awalba ka wada shaqayn jireen eegista miisaaniyadda qaranka.

Waxa kale oo intaa raaciyey in wada shaqayn buuxda leeyihiin wasaaradda Maaliyadda.

 

bandhige@gmail.com