Facebook-gu wuxu ku dhawaaqay in uu samayno qalab lagaga hortaga wararka been-abuurka ah

Madaxa fulinta barta bulshada ee Facebook-ga ayaa waxa uu ku dhawaaqay tallaabooyiin cusub oo lagu joojinayo wararka beenta ah ee Facebook-ga lagu baabiyo.

Warbixin lagu qoray Facebook ayuu Mark Zuckerberg ku sheegay in shirkaddiisa ay sameysay qalab cusub oo qabanaya sidoo kalana kala saaraya “wararka beenta ah”.

Wuxuu intaa ku daray in ay ka fiirsadeen hubinta shirkadaha wararka soo qora.

Facebook-ga waxa ay wajaheysay eedeymo ah in lagu baahiyo warar aan waxba ka jirin.

Waxaa loo maleynaayaa in wararkaasi qaar ay saameyn ku yeesheen natiijadii ka soo baxday doorashadii Mareykanka.

Sabtidii, Zuckerberg, ayaa ka hadlay kullanka hoggaamiyayaasha caalamka ee APEC ee ka dhacay dalka Peru.

Wuxuu ku baraarujiyay in laga wada shaqeeyo hormarinta isku xidhnaanta caalamka iyo in dadka dunida oo dhan la gaadhsiiyo internet-ka.

bandhige@gmail.com