Malawi: Waxa dambi lagu helay nin HIV qaba oo u galmooday 104 haween ah, wuxu ku dooday in uu haweenka u ahaa balaayo-xijaab

 

Eric Aniva oo da’diisu tahay 45 jir ayaa maanta lagu helay dambi ah in isaga oo qaba fayraska HIV uu u galmooday 104 haween ah oo aanay midina xaas u ahayn.

Eric wuxu ku dooday in galmada uu haweenkaa la sameeyey ay ahayd mid duco ah oo uu balaayo-xijaab uga dhigayey haweenkii uu u galmooday, iyadoo uu haweenkaa mid walba ka qaaday waxoogaa lacag ah.  Haweenkaasi waxay isugu jireen kuwo carmal ah oo laga geeriyooday iyo kuwo da’doodu yar tahay oo calaf-doon ah.

Meelo ka mid ah waddamo dhawr ah oo Afirka ku yaalla waxa ka jira dhaqan la-yaab leh oo ah in haweenayda marka uu ninkeedu geeriyoodo ay u tagto nin ka mid ah ragga loo yaqaan “hyena” oo dhaqan ahaan la aaminsan yahay in ay barakaysan yihiin, waxaanay la sameeyaan galmo ay lacag ka bixiyaan taas oo ay aamisan yihiin in ay balaayo-xijaab u noqonayso oo ragga ay mustaqbalka guursan doonaan aanay hore u geeriyoonayn. Sidoo kale waxa raggan u taga gabdha da’da yar ee calaf-doonka ah kuwaas oo la aamisan yahay in galmada hyena-ha ka dib ay nasiib wanaagsan la kulmayaan. Inta badan qoysaska ay dumarkani ka soo jeedaan ayaa lacagta siiya “hyena-ha” .

Waddamada uu dhaqankani ka jiro waxa ka mid ah Kenya, Zambia, Malawi, Uganda, Tanzania, Mozambique, Angola, Ivory Coast, Congo, Ghana iyo Nigeria.  Malawi waxay ka mid tahay waddamada dhaqankan ku fogaaday. Hase ahaatee xukuumadda Malawi ayaa dhaqankan aad uga soo horjeedda ciddii lagu helana xabsiga u taxaabta. Maxkamadda Malawi ee qaadday kiiska Eric Aniva ayaa tibaaxday in uu Eric qirtay dambigii uu galay xukuna lagu ridi doono Salaasada.

Hase ahaatee Eric Aniva ayaa sheegay in xukunka lagu ridayaa aanu waxba soo kordhin doonin, maadaama dhaqankan haweenka lagu barakeeyaa uu yahay mid boqolaal sanno soo jiray oo aanu si dhib yar ku joogsanayn.

Eric Aniva ayaa la filayaa in uu waajaho xadhig 5 sanno ku kooban maadaama la waayey cid ka mid ah haweenkii uu u galmooday oo ku soo eedaysay in uu qaadsiiyey HIV.

Malawi waxay ka mid tahay waddama adduunka ugu badan HIV-ga, iyadoo ku dhawaad 10-kii qofba uu hal qof qabo farysaka dilaaga ah ee HIV.

Il-wareed: Aljazeera

BANDHIGE NEWS