Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shir-saxaafadeed uu ku qabtay Hargeysa kaga hadlay dareenkiisa ku aadan go’aanka ay Maxakamadda Sare ka gaadhay khilaafkii muddaynta doorashada, waxanu sheegay in uu ku qasban yahay oo aanay jirin dhinac loo dhaafaa isla markaana uu duuduub ku liqaayo.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi:
“Alxamdulillaah. Ilaahay baa mahad leh. Horta go’aanka Maxkamadda in la ogolaado waa lagu qasban yahay, inkasta oo aanu u aragno go’aankaasi inuu yahay mid waxyeelo badan gaadhsiinaya dalkeena, hase ahaatee annagu waanu oggolaanay, Maxkamadda Sarena ixtiraam ayay naga mudan tahay. Waxa laga yaabaa in ay yidhaahdaan maxay isdhaamaan sannad iyo lix bilood iyo sannad iyo 10 bilood, marka ay sidaa tahay anaga afar bilood waxba nalamay ahaateen, laakiin waxa weeyi dad ayaa waxan inala leh, sababtoo ah Somaliland waxay iibin jirtay doorasho ayay ahayd, arrintaasina aad iyo aad ayay u adkayd waayo waxaa jirta in intaas oo ajanabiya oo inaga caawinaayay doorashada iyo danayayaashii kaleba.”
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:
“Markaa anagu duuduub ku liqnay Kiniinkaas qadhaadh laakiin waxa weeyi in dibeddii la tagaa saddexdayadaa xisbi Guddoomiye, oo adduunkii ka soo dhaadhicinaa inay iyaguna inala taageeraan go’aankaas Maxkamadda wixii ay ina tari jireena aanay meeshii ka saarin, oo si doorasho inoogu dhacdana ay dhaqaalihii bixiyaan.”
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay arrimaha Buuhoodle, waxaanu yidhi:
“Waxa kale ee loo baahan yahay in sannad iyo 10-ka bilood aan la iska yuururine sidii 5-tii sanno, ee hawlo badan ayaa inoo yaala, oo waxaad ogtihiin maanta Buuhoodle inay Diyaaraddi ayaa maalin dhaaf u timaada taas oo Cali Khaliif Galaydh siday, shalay oo u dambaysayna hub ayay keentay, de markaa dal ay gudihiisii ku abuuran tahay jebhad, oo Xamar laga keenayo hubka, oo isagu midaysnayn, dadkiisuna midaysnayn oo ay qaybsan yihiin dadkiisuna, taasina waxay noqonaysaa dhibaato.”
Gabagabadii waxa Faysal ku soo afmeeray shir-saxaafadeedkan:
“waa in Madaxweynuhu uu taladiisii gacanta ku qabsadaa, dalku waa qaybsan yahay, oo qabyo badan ayaa taalaa markaa sidii waddanka loo hagaajin lahaa, murankana aynu dibedda dhigno markaa sidii wada jir loogu wada shaqayn lahaa aynu ka shaqayno, waddankeenu maanta difaac ayuu u baahan yahay, oo hubka la keenayo aynu ka shaqayno ayaan odhan lahaa, oo murankiina halkaa aynu ku joojino.”
Inkastoo go’aanka Maxkamaddu uu u hagliyey dhinaca xukuumadda ayaa waxa ay xisbiyadda mucaaridka aqbaleen go’aanka Maxkamadda Sare gaadhay maanta.