Gacan-ka-hadal dhex maray Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

Fadhigii Golaha Wakiillada waxa maanta ka dhacay gacan-ka-hadal dhex maray Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro iyo Ku-xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax ka dib markii la isku khilaafay mooshinka wareejinta haamaha kayda shidaalka Berbera ay soo jeediyeen 33 xildhibaan in lagu daro ajendaha Baarlamaanka, kaas oo Guddoomiye Cirrona ka diiday ka dibna xidhay kalfadhigii manta.

Mooshinka muranka ka dhashay ayey xildhibaanadii soo jeediyey doonayeen in laga doodo si loo ansixiyo wareejinta haamaha kaydka shidaalka Berbera , kaas oo ay hore Baarlamaanku u laaleeyeen wareejintiisa.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in aan mooshinkan la hore kalfadhigan sida xeer hoosaadka golaha dhigayo, madaama lagu laalay kalfadhigan.

Sidoo kale ku-xigeenkiisa koowaada ayaa ku dhawaaqay in cod loo qaado mooshin kan, ka dibna waxay isku qabsadeen awooda hoggaaminta golaha.

bandhige@gmail.com