Ganacsatada Somaliland waxay cabasho ka muujisay cashuuro ay DP-world ku kordhisay adeega Dekedda Berbera

 

Urur ay ku bahoobeen ganacsatada Somaliland iyo shirkaddaha Hawlaha Maraakiibta ayaa Xukuumadda Somaliland u gudbiyey qoraal ay kaga cabanayaan kharashaad ay shirkadda DP-WORLD ku kordhisay adeegyadda ay fidiso, iyagoo sheegay in ay soo kordhiyeen culays ka badan kii hore ee laga qaadi jiray markii ay xukuumadda Somaliland maamulaysay.

Cabashada ganacsatada ayaa la xidhiidha lacago farabadan oo la dul saaray dajinta iyo dhigida alaabaha ganacsatadu la soo dagto iyo waliba gaadiidka, kuwaas oo ay sheegeen DP-world in aanay wax adeeg ah oo intii ay dekeddu lahayd kusoo kordhin.

Ganacsatada ayaa qoraalkooda ku sheegay DP-world xataa in aanay tixgalin wada shaqaynta Ganacsatada iyo Ururkooda, sida qoraalka lagu sheegay, kaas oo iftiiminaya in ay iska indho tirayso muhiimadda ay wadashaqayntu u leedahay Amniga iyo koboca dhaqaale ee Dekedda.

Ganacsatada ayaa ugu baaqay Madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu si dhakhso ah wax uga qabto talaabooyinka ay shirkadda DP-world ku maamulayso Dekedda Berbera oo ay sheegeen inay khatar ku noqon doonto sii shaqaynta Dekedda Berbera.

Bishii u danbaysay waxa isa soo tarayey cabashooyinkan soo shaac baxay ee ay ganacsatada Somaliland ku saluugsan tahay Maamulka Dekeda, halka dadweynaha Somaliland iyo dadka la socda Heshiiska DP-world iyo Somaliland ku dhaliilayaan in aan wali la samayn guddidii maamuli lahayd ee labada dhinac.

Xigasho: Waaheen Media.

bandhige@gmail.com