Ismaaciil Buubaa wuxu Madaxtooyadda u gudbiyey cabasho ka dhanka ah xayiraadii lagu soo rogay safar uu dalka kaga dhoofi lahaa isagoo doonayo in uu isticmaal diblomaat baasaboorka Soomaaliya

 

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo katirsan musdambeedka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa la sheegay in uu shalay cabasho ka dhan ah xayiraadii dhoofka ee ay waaxda Socdaalku kaga reebtay safar uu Axadii la dhaafay ku tegi lahaa dalka dibadiisa u gudbiyey madaxtooyada, isaga oo cabasho kamuujiyey nuqullo kamid ah macluumaadka baasaaboorka uu ku dhoofayay oo ahaa nooca Dublamaasiga ah eedalka Soomaaliya kaasi oo warbaahintu heshay kadib markii laga reebay dhoofka.

Sida ay baahiyeen qaar kamid ah degellada wabaahinta ee taageera xisbiga WADDANI oo aanu warkan kasoo xiganay xalay Ismaaciil Buubaa ayaa cabashada uu madaxtooyada u gudbiyey oo u dhignayd qaab dacwad ah waxaa uu masuuliyiinta wasaaradda madaxtooyada kaga ashkateeyey faafin uu sheegay in maamulka Madaarka Hargeysi ku sameeyey macluumaadka Baasaaboorkiisa isaga oo  ku andacooday in  baasaaboorka lagaga qaaday gudaha madaarka lagu sameeyey faafin macluumaadkiisa, hase yeeshee sida warkani sheegayo lama kala saarin cida uu ka cabanayaa in ay tahay waaxda Socdaalka oo iyadu shaqo ku leh arrimaha socdaalka iyo inay yihiin maamulka Madaarka oo iyagu qaabilsan u adeegista  rakaabka duulimaadyada sugaya iyo kuwo kasoo dega madaarka.

Hase yeeshee sida ay Warbaahinta WADDANI taageertaa qoreen xalay waxaa uu Ismaaciil Buubaa shalay aqalka Madaxtooyada u tagay dacwad ka dhan ah mas’uuliyiinta Madaarka Hargeysa, waxaana kulan uu Madaxtooyada dhexdeeda kula qaatay wasiirka Madaxtooyada uu u gudbiyey qoraal dheer uu kaga cabanayo xayiraadiisa.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi oo dhankiisa la hadlay Buubaa, ayaa sheegay in ay arrintaas baadhitaan ku sameynayaan isla mar ahaantaana ay ku soo war celin doonaan marka ay baadhitaankoodaas soo dhammeystaan.

Xigasho: Heegannews.com

bandhige@gmail.com