Gegadda diyaarada Brussels oo maanta dib loo furayo

Laba qarax oo la beegsaday dhammaadkii bishii hore gegidda diyaaradaha ee Zaventem ee Brussels ayaa waxa maanta dib loo furayaa qayb ka mid ah garoonka oo xidhnaa tan iyo qaraxa lala beegsaday.

Weerarka garoonka diyaarada iyo qarax kale oo ka dhacay goob tareenka laga raaco ayaa waxa uu ku dhintay 32 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 qof.

Masuuliyiinta garoonku waxay sheegeen in saddex diyaaradood ay ka kici doonaan garoonka ooy aadi doonaan saddex goobood oo qaaradda Yurub ku yaala

Garoonka Zeventem diyaaraddo rakaab ah kama soo dagin tan iyo markii la weeraray qaybta laga dadka dhoofaya ee garoonka, weerarkaas waxaa sheegtay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

Arrin kale oo soo korortay ayaa ah in dawladda Belgium ay maxkamad saartay qofkii saddexaad ee laga shakisanyahay oo magaciisa lagu sheegay Y A, oo kali ah, waxaana loo haystaa in uu ku luglahaanshaha weerar argagixiso oo la qorshaynayay in lagu qaado Faransiiska.

Arrintani waxay imanaysaa iyadoo 24-kii bishii saddexaad Paris lagu xiray nin Faransiis ah oo la yidhaahdo Reda Kriket.

bandhige@gmail.com