Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Calawiyiinta oo iska fogeeyay Asad

Talaabo aan hore looga baran, ayaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha firqada calawiyiinta ee Suuriya ee uu ka tirsan yahay Madaxweyne Bashar Al Asad waxay shaaciyeen dokumenti ay BBCduna heshay oo ay isaga fogaynayaan rajiimkiisa.

Waxay caddeeyeen nooca mustaqbal ee ay la rabaan waddanka, ka dib 5 sano oo uu ku jiray dagaal sokeeye.

Hoggaamiyeyaasha mujtamaca iyo kuwa diinta ayaa sheegay in ay rajaynayaan in uu iftiin u bidhaamo calawiyiinta, wax ay ku tilmaameen wakhti muhiim ah, kadib muddo dheer oo lagu jiray in wax kasta ay sir ahaadaan.

Laba ka tirsan hoggaamiyeyaasha Calawiyiinta Suuriya oo dalbaday in aan la magac dhabin oo ah ragga qoray dokomentiga, ayaa BBC da u sheegay in ay goosteen in ay ka soo saaraan warbixintan ku saabsan aqoonsigooda, maadaama oo Calawiyiin badan lagu laayay Suuriya sababtuna ay tahy caqiidadooda.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay muhiim tahay in aan Calawiyiinta la saarin dambiya ay xukuumadda talada haystaa ku kacday.

Kala qaybsanaanta mad-habtu waa mid ka mida waxyaabaha ugu waawayn ee dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda hurinaya.

Hoggaamiyeyaasha Calawiyiintu waxay qoraalkan ku sheegeen in ay haystaan Mad-hab saddexaad oo Islaamka ka mida.

Waxayna sheegeen in Calawiyiintu aanay haysan mad-habka Islaamka, Shiiciga ah ee lagu sheego, isla markaana ay ka go’an tahay la dagallanka collaadda mad-habaha ee ka socda Suuriya.

Waxay caddeeyeen in ay aaminsanyihiin mabaa’dida sinnaanta, xorriyadda iyo wadaniyadda waxaanay ku baaqeen in mustaqbalka Suuriya laga dhaqan geliyo nidaam cilmaani ah oo ay ka suurto gasho in Islaamka, Masiixiyadda iyo diimaha kale ku sinnaadaan.

Inkasta oo Calawiyiintu u badnaayeen dowladda Suuriya iyo laamaha nabad gelyada xukunkii Bashar Al-Asad iyo Aabihii Xafid al-Asad in ka badan afartan sannadood, haddana qoraalkani wuxuu qiray in xukunka jiraa yahay mid sharci ah, sida ay dhigayaan bay yiraahdeen mabaadii’da dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aasaasiga ahi.

bandhige@gmail.com