Golaha Wakiilada waxay Kulan wadatashi u qabteen xeerka Kufsiga

????????????????????????????????????

Guddiyada Caddaalada, Garsoorka, Xuquuqal Iinsaanka iyo Dastuurka ee Golaha wakiiladda ayaa maanta Kulan wadatashi ah u qabtay xeerka Kufsiga oo ay guddidu gacanta ku haysay horena ay u soo gudbiyeen ururka   NAGAAD.

Kulankan ayey  ka soo qayb galeen ururada bulshad , wasaaradaha, jaamacadaha,  iyo Hay’adaha Garsoorka  ayaa waxa ugu horayn hadal ka jeediyey Gudoomiyaha gudi hoosaadka Caddaalada  Siciid Cilmi Rooble waxaanu uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay uga soo qayb galeen isagoo sheegay in guddidu dhagaysanayso talada ka soo qayb galayaasha isla markaana ay ku salayn doonaan nuqulka ugu danbeeya ee ay Golaha u gudbinayaan kal-fadhiga dhawaan furmaya.

Waxa sidoo kale isna ka hadlay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid  Ayaanle oo tilmaamay in wadatashigan iyo aqoon iswaydaarsigan Xeerka Kufsigu uu socon doono laba maalmood  29—30/07/2015  isla markaana tilmaamay nidaamka iyo sida uu u socon doono isagoo u mahadnaqay hay’addii ka caawisay Goluhu inuu qabto kulankan oo ah Legal Action World Wide (LAWW).

Kulanka ayaa lagu dar-dar galinayaa in sii loo dhamaystiri lahaa xeerka Kufsiga.

bandhige@gmail.com