Golaha Wakiillada ayaa la filayaa in ay Maxkamadda Sare u gudbiyaan hirgelinta go’aankii Haamaha Shidaalka

Gollaha wakiilada oo ka jawaabaya qaraar shalay uga yimid Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay inay u gudbinayaan dacwad ka dhanka go’aankii ay ku laaleen wareejinta haamaha kaydka shidaalka Berbera Maxkamada Sare ee dastuusriga ah, ka dib markii xukuumaddu ku soo celisay go’aankaasay laaleen.

Wakhti xaadirkan ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Gollaha wakiilada balse sida uu xog ku helay wargeyska Jamuuriya ayaa iftiimiyay in Gollaha baarlamaanku ay isla qaateen inay aarinkaa Maxkamadda sare u gudbiyaan si ay uga garnaqdo,

Go’aanka ay Gollaha wakiiladu ay aqlabiyada ku ansixiyeen maalintii Axadii ee ahaa in aan haamaha shidaalka ee Berbera lagu wareejin shirkado dhawr ah, iyo diidmada uu madaxweyhu ku diiday in qaraarka Gollaha baarlamaanku uu meel maro.

Talaabadaasi oo uu aad u soo dhaweeyey shacabka Somaliland, sidoo kale xisbiyada mucaaridka ayaa iyaguna talaabadaasi ku micneeyey  in ay tahay markii ugu horeysay ee uu Gollaha wakiilada Somaliland ay shaqadooda gutaan.

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa noqotay tan iyo markii Madaxweynuhu u magacaabay Guddoomiyaha cusub mid ay ku dhiiradaan mucaarid iyo muxaafidba, iyadoo Maxkamadda Sare lagu xasuusto sidii ay u xalisay khilaafkii soo kala dhex galay mucaaridka iyo xukuumadda ee ahaa muddo kordhinta, taasi oo keentay in lagu dhiirado go’aanka Maxkamadda Sare.

bandhige@gmail.com