Guddida Talo iyo Towfiiq waxay cambaaraynayaan xadhigga Suldaan Sabbayso

Talo iyo Towfiiq oo ah guddi-beeleedka deegaanka Galbeedka Burco ayaa ku soo biiray dadka xadhigga Suldaan Mowliid Sabbayso iyo Boqor Raabi cambaaraynaya sida ku dhigan war-saxaafadeed ay duhurkii maanta soo saareen kadib markii ay shir-jaraa’id ku qabteen Kaamil Huteel Hargeysa, kaas oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey Bandhige.

Guddida Talo iyo Towfiiq waxay xadhiga Suldaan Sabbayso la xidhiidhiyeen hadalkii uu ku duray heshiiskii Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera kaas oo sababay gacan-ka-hadal dhex maray Guddoomiyaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdirxmaan-Cirro iyo Guddoomiye-Xigeenka Wakiillada Baashe Maxamed-Cadde.

“Waa wax laga xumaado qaabka luu xidhay Suldaan Sabbayso. Waa qaabkii loo soo qabanayey argagixisada loomana eegin milgaha iyo sharafta ay leeyihiin madax-dhaqameedku” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Talo iyo Towfiiq waxay xukuumadda ugu baaqeen in ay xorriyaddooda u soo celisay Suldaan Sabbayso iyo Boqor Raabi oo in muddo ah isagu xidhnaa.

Maalmihii ugu dambeeyey waxa warbaahinta ka baxayey baaqyo loo soo jeedinayo in ay xukuumaddu sii dayso madax-dhaqameedka ay xidhay isla markaana joojiso xadhigga madax-dhaqameedka Somaliland.

Salaadiin ay isku beel yihiin Suldaan Sabbayso (Subeer Awal) oo Khamiistii shir-jaraa’id qabtay ayaa iyaguna xukuumadda ugu baaqay in ay 24-saacadood gudahood ku sii dayso Suldaanka, hase ahaatee xukuumaddu wax jawaab ah uma ay celin.

Xukuumadda Somaliland ayaa marar kala duwan eedaymo ugu soo jeedisay madax-dhaqameedka iyadoo qaarna ku eedaysay in aanay salaadiin dhab ah ahayn qaarna ku sheegtay in ay dhaqankii ka faro-baxeen oo ay siyaasadda cagaha soo geliyeen, taas darteedna ay ula dhaqmayaa sidii qof siyaasi ah.

Bandhige@gmail.com