Duufaano siyaasadeed oo ku kacay musharaxa Jamhuuriga Donald Trump kadib markii agtiisa lagu aflegaadeeyey Muslimiinta

Donald Trump toddobaad ka hor wuxu ahaa murashaxa ugu cadcad xisbiga Jamhuuriya Maraykanka haatanse dhibcihiisu hoos ayay u yara dhaceen kadib markii lagaga gacan sarreeyey dooddii todobaadkii ina dhaaftay qabsoontay ee lagu kala eegayey awoodaha murashaxiinta Maraykanka.

Niyadjabkaas waxa Trump ugu sii biiray dhalliilo aad u ba’an oo dadweynaha Maraykanka iyo Guriga Cad ay u jeedinayaan, kuwaas oo ku saabsan in uu u jawaabi waayey qof agtiisa ku aflegaadeeyey muslimiinta beenna ka sheegay Barack Obama.

Khamiistii ina dhaaftay Trump wuxu shir ku qabtay magaalada  Rochester oo ka tirsan New Hampshire kaas oo qayb ka ahaa ololihiisa. Qof ka mid ahaa dadkii uu hadalka u jeedinayey ayaa mikrifoonka qaatay wuxuna yidhi:

“Waddankan (Maraykanka) dhibaato weyn baa ka jirta. Dhibaatadaas magaceeda waxa la yidhaa Muslimiin. Waxa ka mid ah Madaxweynaheena hadda (Barack Obama), kaas oo isagu ku sii darsaday in aanu Maraykanba ahayn.”

Halkii laga filayey in uu Trump saxo qofkan oo uu u sheego in aanay Muslimiintu dhibaato ahayn isla markaana Barack Obama haysto diinta Kiristaanka kuna dhashay Maraykanka ayuu Trump ku jawaabay:

“Waa arrimaha aanu doonayno in aanu eegno. Dad badan ayaa arrimahan sheega. Dad badan ayaana ka warbixinayey dhibaatooyinka halkan jira.”

Jawaabta Trump waxa ka faa’iidaystay oo qaadaa-dhigay xisbiga Jamhuuriya, waxayna keentay in Sabtidii maanta uu afhayeenka Trump ka jawaabo wuxuna yidhi:

“Runtii Trump dhib uma arko Muslimiinta, wuuna qirsan yaha in Barack Obama Maraykan yahay. Hase ahaatee meesha ayaa buuq badnayd sidaas daraadeed si wacan uma uu maqlayn su’aasha ninkaas la soo dhuuntay>”

Si kastoo ay tahay, murankii baryihii ugu dambeeyey ka taagnaa shaqsiyadda Donald Trump ayaa tanina ugu sii biiraysaa.

Donald Trump ayaa warbaahinta Maraykanku ku xamataa in uu yahay nin ay wax kastaa ka suuroobi karto, isla markaana taageerada dadweynaha Maraykanku ay isaga u hayaan ay ku dhisan tahay iyaga oo ka maadaysta haddalladdiisa aan caadiga ahayn.

Bandhige@gmail.com