Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay khilaafka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo shaaciyey in aan waxba la is-daba-marin

Guddidii uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay hubinta khilaafka Golaha Dhexe ee Kulmiye 2-dii November oo ka koobnaa Xasan Axmed Aadan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Maxamed Faarax Xirsi, Guddoomiyaha Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarka, Axmed X. Cali Cadami, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Axmed Muxumed Madar, Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaagga Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif), Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda SOLNAC ayaa habeen hore madaxweynaha la wadaagay natiijada baadhitaankoodii, hase ahaatee xalay ayay warbaahinta u suurto-gashay faahfaahinta warbixinta ay soo saareen.

In kastoo guddidan ay qaadaceen is-bahaysiga murashaxiinta Kulmiye ee iska bahaystay Guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne-Xigeen Cabdiraxmaan Saylici haddana guddidu uma ay joojin ee hawshooda way sii wateen.

Go’aannada ay guddidu soo saareen waxa ugu weyn in aan wax musuqmaasuq ah oo lagu sameeyey bixinta kaadhadhka xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye aanu jirin, laakiin ay jiraan arrimo dhinaca farsamada ah oo u baahan in la saxo kuwaas oo ku kooban tiro aan ka badnayn 10 xubnood, kuwaas oo hannaanka loo buuxiyey jagooyinkii ay banneeyeen aanu waafaq-sanayn xeer-hoosaadka xisbiga sidaas daraadeedna ay tahay in laga joojiyo Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye.

Go’aanka ay guddidani soo saartayna waxa uu u dhigan yahay sidan:

  1. In aan haba yaraatee wax khalad iyo is-daba-marin ahi ku jirin liiskii asalka ahaa ee saxeexnaa, wairadooduna waafaqsan yhihiin magacyadooda.
  2. In xubnaha kala ah Xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Bada, Ixldhibaan  Maxamed Xusee X. Ciise, Cilshibaan Xasan Cawaale Caynaan, Xildshibaan Ibraahim Axmed Haybe, Wasiir Cali Maxamuud Sandulle iyo Wasiir Axmed X. Cali Cadami maadaama la raacayo liiska Golaha Dehxe ee yaala Xafiiska Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo xisbiyayada siyaasada iyo xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay xubin waliba sidii asal ahaan ay ku soo gashay Golaha Dhexe ay kaga mid ahaato isla markaana aan xubno xusub lagu beddeli karin.
  3. In xubnaha kala ah Xildhibaan Weli Caawo, Maxamed Nuur Carraale “Duur”, iyo Sheekh Maxamuud Xirsi oo geeriyooday ay iyagana jooginkoodii sidaa ku banaanaanayaan ilaa inta shirku dhammaanayo.
  4. In Xasan Nuur Abokor oo beddelay Cabdikariim Baanday iyo Cabdillaahi Aw Aadan Mxamed oo beddelay Maxamed Yoonis Cawaalo loo ogolaado in ay ka qaybgalaan Shirka Golaha DHexe ee Kulmiye, loona sameeyo kaadhadhka xunbinimada, m aadaama qaabka loo soo beddelay uu waafaqsan yahay xeerka Xisbiga.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf waxa lagu sheegay in hoggaanka Kulmiye iyo Guddida Qabanqaabada Shikra Golaha Dhexe ee Kulmiye waa ay aqbaleen go’aannada ay soo saareen guddidani sidaasna ugu dhaqmi doonaan.

Iyadoo maalin kali ahi inaga xigto wakhtigii uu qabsoomayey Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye waxa weli la sugayaa dhawaqa murashaxiinta is-bahaysta ee kala ah Xildhibaan Kijaandhe, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis, iyagoo hore u diiday jiritaanka guddidan taas daraadeedna dad badani filayaan in go’aankooda ay ku gacan-saydhi doonaan.

Bandhige@gmail.com