Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Deegaanka ayaa kormeer shaqo ku tegay xarunta kawaanka Hargeysa

Wafti oo u hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Deegaanka Hargeysa xildhibaan Mubaarig Cabdi Malow ayaa Maanta kormeer shaqo kusoo kormeeray  xarunta kawaanka Hargeysa.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Deegaanka Hargeysa xildhibaan Mubaarig oo ka warbixiyey ujeedada kormeerkan iyo  muhiimada uu xambaarsan yahay.

Waxaanu Guddoomiyuhu hadalkiisa ku bilaabay sida tan:

“ Dawlad hoose ahaan iyo waliba anagoo ah Guddidii Arimaha Bulshada waa waajib na saaran in laga war hayo islamarkaana aanu booqano Kawaanka, waayo waa halka Bulsha weynta reer Hargeysa hilibka lagu qalo hilibka ay isticmaalaan, kolay Shaqadani waa taayadii oo masuuliyad ayaa naga saaran in aanu ka warhayno hadba xaalada uu ku sugan yahay kawaanku.”

Sidoo kale waxa isna ujeedada kormeerkan dawladda Hoose ku tegeen kawaanka Hargeysa Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Dawlada Hoose Khadar Yuusuf Cali waxaanu yidhi:

“Madashan aanu maanta ku suganahay waa kawaankii Hargeysa, ee u qaabilsanaa gawraca xoolaha, halkan maalinkii waxa lugu qalaa in ka badan Kun Neef Oo adhiya, dhawr Iyo sodan neef Oo geela, todobaataneeyo Lo’ ah, Xoolahaas oo ah kuwa ay magaaladu quudato kamana maarmaso in la kormeero joogto ah lagaga warhayo xalaada kawaanka.”

Waxa kale oo hadlay kormeerkan  Maareeyaha Shirkada Maandeeq Cabdiraxmaan Maxamed Aadan  waxanu yidhi

 “Kolay maanta anaga farxad weyn ayey noo tahay in aad nagu soo booqataan kawaanka dhexdiisa, iyagoo wajibaadkooda shaqo gudanayaan xildhibaanada Golaha Deegaanku gaar Guddiga Arrimaha Bulshada, runtii waanu ku faraxsan ahay waanan idin ku soo dhawynaynaa kawaanka Hargeysa ee aanu kacanta ku hayno.”

Geb gebadii kormeerka ayaa waxa ka hadlay Xog-hayaha Guddida Arimaha Bulshada Xildhibaan Axmed Daahir waxaanu yidhi sidan

“Kolay maanta waxa farxad noo ah in aanu soo booqano xarunta kawaanka Hargeysa oo ah meelaha ugu muhiimsan wadankeena in laga warhayo, kuna xidhan yahay caafimaadka bulshadu, runtii waxa Kawaanka ka socota Shaqo aad u balaadhan waanan ku hambalyeynayaa hawshan culus ee aad qaranka u haysaan”.

Wali waxay bulshada reer Hargeysa ee soo doortay Golaha Deegaan Hargeysi tabayaan kaalintay Golaha Deegaanku ku lahaayeen hor-u-marinta caasimada hadday noqoto dhinaca wadooyinka, nadaafada bilidca iyo qorshayn goobaha bulshada ka hesho adeegyada.

bandhige@gmail.com