Guddoomiyaha Saaxil oo beeniyay in la Weeraray

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdilaahi Case ayaa beeniyay in saaka lagu rasaaseeyay tuulada isku-dar oo u dhexaysa degmooyinka Go’da weyn iyo Sheekh, waxaanu tilmaamay in aanay wax dhibaato ahi ka dhicin deegaankaas.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in uu muddo joogay degmada Go’da weyn oo uu kula kulmay waxgaradka deegaanka oo uu kala hadlay in dadweynuhu aanay wax cabsi ah qaadin oo ay hawlahooda iska qabsadaan.

Guddoomiyaha Saaxil wuxuu intaas ku daray in markii uu gaadhay tuulada isku-dar uu uga sii gudbay Sheekh isla markaana ay gabi ahaanba been abuur tahay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in jabhadii gashay buurta Gacan-libaax weerartay weftigii badhasaabku hoggaaminayey.