Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, ayaaa furay shirka Isku-dubaridka Barnaamijyadda Caafimaadka iyo Nafaqada.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa maanta furay shirka isku dubaridka barnaamijyada caafimaaadka iyo nafaqada, waxaanu sheegay in kulankan oo socon doona muddo 3 maalmooda ay ka soo qayb galeen, masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee gobollada iyo degmooyinka Dalka iyo hay’addaha kala shaqeeya arrimaha caafimaadka.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland waxqabadkeedu tilmaaman yahay Qarankuna ogyahay, waxaanu xusay in wasaaraddu ka dhabaysay balanqaadkii ahaa in dhallinyarada shaqada loo dhiibo.

Dhanka kale waxa uu sheegay in kulankani mudada uu socdo lagu gorfeyn doono qorshayaasha lixda bilood ee socda ee barnaamijyada horumarinta caafimaadka dalka, waxaanu ka codsaday ka soo qayb galayaasha inay xooga saaraan sidii barnaamijyadaasi u noqon lahaayeen kuwa taabagala.