Guddoomiyaha Waddani oo dalka ku soo laabtay

Guddoomiyaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa maanta ku soo guryo dalka ka dib markii uu safar maalmo qaatay ugu maqnaa Imaaraadka Carabta.

Cirro oo markii uu soo degay warbaahinta la hadlay ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay sii dayso weriyeyaasha iyo salaadiinta xidhan ee ay xukuumaddu xidhay, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Shacbi ahaan waxa aynu jecel nahay qaranimada dawladnimadeena iyo nabaddeena, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa cidii ay xidhay in ay xabsiga ka sii deyso haddii ay noqoto madaxdhaqameed, wariyayaal iyo haddii ay shacab yihiinba.”

Dhinaca kale waxa uu Cirro ugu baaqay xukuumadda in ay culayska ka dul qaaddo Berber oo uu sheegay in xukuumaddu saartay culeys badan.  Isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaad mooda in ay xukuumaddu si gaar ah culeys aanay qaadi karin u saareyso Berbera  mana aha in Berbera la saaro culeys aanay qaadi karin.”

Dadka qaar ayaa filayey in Guddoomiye Cirro ku dhawaaqi doono in uu iska casilay guddoomiyenimada Golaha Wakiillada maadaama uu hore u sheegay in uu kursigan bannayn doono marka uu madaxweyne Siilaanyo shaaciyo maalinta doorashadu dhacayso oo uu digreeto ku soo saaro. Hase ahaatee guddoomiyuhu wuu ka gaabsaday in uu ka hadlo wax arrintaas la xidhiidha.

Guddoomiyaha Wakiilladu wuxu dalka ku soo laabtay iyada oo aan weli la xallin murankii gacan-ka-hadalka ahaa ee dhexmaray isaga iyo ku-xigeenkiisa.

soo dhoweynta cirro cirro

bandhige@gmail.com