Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbe-joogga oo bilaabay booqashooyin uu ku dhiirigelinayo jaaliyadaha Yurub ee Somaliland

Sida ku dhigan war-saxaafadeed ka soo baxay Wakaaladda Qurbe-joogga, Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbe-joogga Cabdi Cabdullaahi Hirsi oo socdaal hawleed ku marayey Yurub ayaa kulamo la soo yeeshay jaaliyadaha Somaliland ee Denmark iyo Sweden. Kulamadaas wuxu ka soo bilaabay Kopenhagen iyo Malmö oo ku taala dalka Sweden ayaa soo sidoo kale soo gaadhay magalada Jönköping oo uu kulan kula yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Jönköping oo ay is dhaafsadeen warar iyo fekrado.

Guddoomiyaha Wakaalada Qurba jooga iyo Jaaliyada Somaliland ee Jönköping waxay isla garteen sidii waddanka Somaliland uu qurba joogu waxa uga qabsan lahaa oo u maalgalin ugu samaysan lahayeen dibna ay dalka ugula soo noqon lahayeen khibrad farasamo iy mid aqomeedba, ictiraafna dalka ugu radin lahayeen, Waxuunu Gudoomiyahu ku Booriyey in wadanku u baahan yahay iyana ay u baahan yahiin wadankooda, oo ay wadankooda laabta ku hayaan, ubadkoodana ku barbariyaan wadaniyadooda. Waxa kale oo ku baraarujiyey qurba jooga xoojinta midnimadooda, wadajirkooda iyo iskashigooda dhinaca ka qaybgalka dhismaha iyo hurumarka qorankooda, lana xoojiyo wada shaqaynta Gudiyada jaliyadaha iyo Wakaalada Qurbo jooga.

Waxuuna ku daray Gudoomiyahu in la dhiirigeliyo codka qurbajooga lana dhagaysto afkaartooda si looga faaiidaysto talooyinka ay bixinayaan ee ku aadan kobcinta doorkooda iyo guud ahaan hannaanka horumarineed ee wadanka.
In la ogaado, lana soo bandhigo caqabadaha ay Qurbajooggu kala kulmaan dadaalladooda maalgashi iyo horumarineed ee dalka ee dhinacyada sharciga, dhaqanka, bulshada, deegaanka, luuqadda, iwm.

Talo bixino badan oo ka timi Jaaliyada ayaa ay Gudoomiyaha isla afgarteen sidii wada jir loogu midoobi lahaa, oo ay ka mid tahay in Dhulka wax soo saar lagu sameeyo bada iyo berigaba lana maal gashado, waxay jaaliyada somaliland ee Jönköping aad uga heleen fekradahii iyo talooyinkii Gudomiyahu qudbadiisi ku jeediyey.

Source: Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
Wardy Bashe Elmi
Jönköping Sweden