Ruushka oo cuno-qabatayn dhaqaale la beegsaday Turkiga wakhti Madaxweyne Erdogan ka qoomamooday diyaaraddii la soo riday

Xukuumadda Moosko ayaa cuno-qabatayno adag oo dhinaca dhaqaalaha ah ku soo rogtay Turkiga si ay uga aar-goosato diyaaraddii dagaalka ee Ruushku lahaa ee uu dhawaanta Turkigu dhulka soo dhigay.

Cuno-qabatayntan ayaa ku soo beegmaysa wakhti Madaxweynaha Turkiga Rejab Dayib Erdogan uu Sabtidii ka qoomamooday soo-rididdii diyaaradda Ruushka isla markaana uu sheegay in uu jeclaan lahaa wixii dhacay oo aan dhici lahayn, laakiin haatan ay muhiimaddu tahay sidii wixii dhacay loo xalin lahaa.

“Xaaladda loo gudbay waa mid aan la saadaalin karin. Diyaaraddii Ruushka ee la soo ridayna waxa ahayd mid aan la saadaalinayn. Jawaabta Ruushku bixinayaana waxay waafaqsan tahay wixii uu Turkigu falay” ayuu yidhi af-hayeen u hadlay Vladamir Putin oo magaciisa la yidhaa Dmitry Peskov.

Hase ahaatee sarkaal ka tirsan xukuumadda Ruushka oo u warramay Reuters ayaa sheegay in go’aannada uu hadda gaadhayo Ruushku ay sii murgin doonaan uun is-mari-waaga u dhaxeeya Turkiga iyo Ruushka.

Ruushku waa waddanka gaasta ugu badan u dhoofiya Turkiga. Sidoo kale waa waddanka labaad ee xidhiidhka dhaqaale ee ugu weyn la leh Turkiga.

Ruushku wuxu sheegay in alaabo badan iyo walxo muhiim u ah Turkiga oo aanu weli magacyadooda gaar u sheegin laga mabnuucayo in laga iibiyo Turkiga. Sidoo kale wuxu shariikadaha dhinaca dalxiiska ee Ruushka ku amray in la joojiyo tigidho dadka Ruushka ah loo jaro si ay dalxiis ugu tagaan Turkiga. Sidoo kale wuxu joojiyey diyaarado Turki ah oo u gooshi jiray Ruushka.

Khabiir arrimaha Ruushka iyo Turkiga aqoon u leh oo magaciisa la yidhaa Lincoln Mitchell ayaa sheegay in cuno-qabatayntani ay si ba’an u dhaawici doonto dhaqaalaha Turkiga, sidoo kale ay dhinaca Ruushka dhaawac weyn u gaysan doonto. Khabiirku waxa kale oo uu sheegay in dadweynaha Ruushka qaybo badan oo ka mid ah ay cuno-qabatayntani saamayn xun ku yeeln doonto.

Khilaafka labadan dal ayaa bilaabmay kadib markii todobaadkii ina dhaafay uu Turkigu dhulka soodhigay diyaarad dagaal oo Ruushku lahaa isagoo diyaaraddaas ku eedeeyey in ay ku soo xad-gudubtay hawada Turkiga. Laakiin Ruushka ayaa ku dooday in diyaaraddaasi ay dul heehaabaysay hawada sare ee Suuriya markii la soo riday. Sidoo kale wuxu Turkigu sheegay in aanay diyaaraddaasi sinaba halis ugu hayn Turkiga markii la soo riday.

Sabtidii ayaa Moosko lagu aasay bayloodkii ku dhintay diyaaraddaas markii la soo riday.

Bandhige@gmail.com