Turkiga oo maydka bayloodkii diyaaraddii la soo riday ku wareejinaya Ruushka

Maydka Kornayl Oleg Peshkov oo ka mid ah labadii baylood ee waday diyaaraddii Ruushku lahaa ee Turkigu dhulka soo dhigay ayaa lagu wareejin doonaa xukuumadda Ruushka, sida uu warbaahinta u sheegay Ra’iisal Wasaaradaha Turkiga Axmed Davutoglu.

Diyaaradda bayloodkani ku dhintay waxa la soo rida sida Turkigu sheegay markii ay ku xad-gudubtay hawada sare ee Turkiga.

Oleg Peshkov iyo bayloodkii diyaaradda la waday ayaa markii ay ogaadeen in uu gantaal haleelay diyaaraddii ay wateen waxay markiiba goosteen baarashuud. Hase ahaatee ciidamo kuwii ay rushaynayeen ah ayaa iyagoo aan dhulkaba soo gaadhin bar-tilmaameedsaday. Halkaas waxa ku geeriyooday Kornayl Peshkov iyadoo kornaylkii kalena uu baxsday isla markaana uu badbaaday markii uu afka uga galay ciidamo Suuriyaan ah.

Dhacdadani waxay sababtay dagaal dhinaca afka ah oo dhex maraya Ruushka iyo Turkiga, iyadoo Turkigu uu xalay shaaciyey cuno-qabatayno ka dhan ah Turkiga.

Ra’iisal-wasaaradaha Turkigu wuxu sheegay in sarkaal ka tirsan Ruushku uu u safri doono gobolka Hatay iyadoo uu wehelin doono sarkaal Turki ahi si ay wada-jir maydka ugu soo qaadaan.

Davutoglu wuxu sheegay in maydka Kornayl Peshkov loola dhaqmay si waafaqsan diinta Krisitaanta madhabteeda Orthodox-ka.

Kaptan Konstantin Murakhtin oo ahaa bayloodkii labaad ee diyaaradda waxa lagu badbaadiyey hawl-gal gaar ah oo ciidamo si gaar ah u tabobarani ay fuliyeen.

Kaptain Murakhtin wuxu sheegay in uu doonayo in sida ugu dhakhsaha badan uu ugu noqdo hawlgalladdii suuriya. Wuxuna sheegay in dhimashada saaxiibkii cawaaqibkeeda ay heli doonaan kuwii dilay.