Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil ayaa xilkii u kala wareejiyay isuduwihii hore ee hay’adda dhawrista tayada ee gobolka Saaxil iyo isuduwaha cusub ee dhawaan xilkaas loo magacaabay.

Munaasibada xilwareejinta ah waxa hadalo la jeediyay, qaar ka mida siyaasiyiin cuqaal iyo waxgaradka gobolkaas Saaxil, kuwaas oo sii sagootiyay isuduwihii hore ee hay’adda dhawrida tayada Somaliland, soona dhaweeyay isuduwaha cusub.

Isuduwihii hore ee hay’adda dhawrida tayada ee gobolka Saaxil Cabdfataax Axmed Hurre ayaa sheegay in mudadii uu xilkaas hayay ay waxyaabo badani u qabsoomeen, waxaanuu u mahadceliyay madaxda hay’adda dhawrida tayada, maamulka gobolka Saaxil, kuwa degmada Berbera iyo guud ahaan shacabka gobolaas oo uu tilmaamay inay si fiican ula shaqeeyeen mudadii uu xilkaas hayay.

Isuduwihii hore ee hay’adda dhawrida tayada ee gobolka Saaxil Maxamed Cali Suudi ayaa sheegay inuu shaqadaas qaranka ee loo igmaday u gudan doono si daacadnimo ah, waxaanuu mwaxaanuu guud ahaan shacabka

Agaasimaha guud e hay’add dhawrida tayada Xamse Suldaan ayaa tilmaamay in ujeedada masuuliyiintaas loo kala badalay ay tahay in la dar-dargeliyo shaqada hay’addaasi qaranka u hayso oo ah in laga hubiyo waxyaabaha noloshada bulshada u muhiim ah sida cuntada iyo dawada.

Ugu dambayn guddoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil Maxamuud Hindi Aadan ayaa soo dhaweeyay isuduwaha cusub ee hay’adda dhawrirada tayada, waxaanuu si sagootiyay isuduwihii hore, waxaanuu intaas ku daray in maamulka gobolku la shaqayn doonaan masuulkaas.