Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa ka qayb-galay munaasibad ay ku qalinjabiyeen 124 Arday oo bartay Xirfadaha Farsamada gacanta.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa ka qayb-galay munaasibad ay ku qalinjabiyeen 124 Arday oo bartay Xirfadaha Farsamada gacanta.

Arday xirfadaas bartay ayaa waxay wax dhigeen dugsiyada farsamda gacanta ee Gaafo, H.T.I iyo Hafayooko, waxaanay barteen xirfaddo kala duwan, kuwaas oo bartay xirfaddo ka caawinaaya inay ku shaqo-tagaan.

Qaar ka mida ardayda ardaydii bartay xirfadahaas kala duwan ayaa u mahadceliyay cidkasta oo kaalin ka qaadatay in ay helaan barashada xirfadahaas kala duwan, waxaanay ballan qaadeen in ay dadkooda iyo dalkoodaba uga faa’iidaynm doonaan xirfadahaas ay barteen.

Sahra-kiin oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda FCA oo kaalin muhiima kulayd sidii ardaydaasi u baran lahaayeen xirfadahaas kala duwan ayaa sheegtay in ardaydaasi barteen xirfado waxtar u leh dalka iyo dadkaba, waxaanay u mahad celisay wasaaradda waxbrashada iyo sayniska Somaliland oo dadaal galisay sidii ardaydaasi u noqon lahaayeen kuwo barta xirfado.

Agaasimaha wasaaradda ganacsiga iyo dal-xiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan ayaa amaan u jeediyay ardayda baratay xirfadaha ee la guddoonsiiyay dhaqaalaha ay ku bilaabi doonaan ganacsi yar, waxaanuu intaas ku daray in wasaaaddu diyaar u tahay in ay dhiiri-geliso dhallinyaradaas baratay xirfadaha.

Ugu dambayn wasiir ku xigeenka wasaaradda washada iyo sayniska Somaliland Cabdixakiin Siciid Bustaale ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadu xil iska saartay sidii loo xoojin lahaa goobaha lagu barto farsamada gacanta.