Guddoomiyihii Waxbarashada Gobolka Sanaag, Aniis Saalax, ayaa shil gaadhi ku geeriyooday maanta

 

Guddoomiyihii Waxbarashada Gobolka Sanaag ayaa maanta shil baabuur ku geeriyooday

Aniis Saalax X. Xasan oo ahaa Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sanaag ayaa maanta shil baabuur ku geeriyooday tuulada Karasharka ee u dhaxaysa Sheekh iyo Burco. Sida warku nagu soo gaadhay xubno kale oo qoyskiisa ah ayaa iyaguna ku wax yeeloobay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka iyo Wasaaradda Waxbarashada.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada oo barqadan maanta ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada ayaa sidan u dhigan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u  dirayaa Bahda waxbarashada, iyo tacliinta sare, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timi Guddoomiyihii Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Sanaag, ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saalax Xaaji Xasan (Aniis) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu tahay 05/01/2017 shil baabuur oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Burco, isagoo ku sii jeeda gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Silaanyo waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawl kar ah oo dedaal wax ku ool ah ka soo qaatay guud ahaan waxbarashada dalka, kana mid ahaa dadkii qalinka u qaatay sidii ay bulshadooda uga faa’iidayn lahaayeen aqoonta iyo cilmiga ay barteen, Marxuumkuna uu geeriyooday isagoo ku guda jira hawlihiisa shaqo.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda waxbarashada iyo tacliinta sare, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

     Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.