Axmed Faarax Cadare gudoomiyaha komishanka tamarta Somaliland waxa kullankaas uu la qaatay shirkadaha bixiya adeega korontada ku wehelinaayay agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta Maxamed Maxamuud Cabdi Malo, Agaasimaha waaxda Tamarta, masuuliyin kale oo ka socday Dawlada hoose ee Hargaysa iyo Ciidanka Dab-Demiska Somaliland.
Intii kullankaasi socday waxa lagaga hadlay arrimo la xidhiidha Bedqabka Korontada iyo yaraynta khataraha ka dhalan kara korontada, siiba suuqa Gobonimo iyo xaafada isku raranta ee state house ka.
Gudoomiyaha Komishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa ayaa sheegay in kullankaasi ka mid ahaa dadaalada komishanka tamnartu ugu jiro sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay xiliyada qaar gaystaan korontadu, waxaanuu u mahadceliyay masuuliyiinta shirkadaha bixiya adeega korontada ee kullnakaas ka qayb-galay.
Qaar ka mida masuulinta shirkadaha bixiya adeegga korontada ee kullankaas ka qayb galay ayaa sheegay inay diyaar inay komishanka tamarta kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhalan kara korontada.