Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Hadhimo sharafeed u sameeyey Cuqaasha iyo Waxgaradka Degaanka Bariga Burco.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Hadhimo sharafeed u sameeyey Cuqaasha iyo Waxgaradka Degaanka Bariga Burco.

Intii kullankaasi socday wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed waxa la isaga xogwaraystay xaaladda guud ee dalka, marxaladda siyaasadeed ee lagu jiro iyo adkaynta nabadgalyada.

Maxamed Kaahin Axmed wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ahna gudoomiyaha xisbiga Kulmiye wuxuu tilmaamay in xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisaba ay ka go’antahay horumarinta dalka iyo ilaalinta wada-jirka bulshada.

Qaar ka mida waxgaradka iyo cuqaashii uu wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Somaliand hadhimo sharafeedkaas u sameeyay ayaa soo dhaweeyay xilka guddoomiyaha xisbiga Kulmiye dhawaan loo doortay, waxaanay Alle uga baryeen inuu xilkaas ku fududeeyo.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ahKulankan muhiimka ah ayaa ka qabsoomay Hotelka Isha-Burco, kulankan oo ay Gudoomiyaha ku wehelinayeen Wasiiradda Wasaaradaha Horuumarinta Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Caddaalada Salebaan Warsame Guuleed, Gudoomiyaha Gobolka Together, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa si wayn la isugu xog-waraystay.