Hargeysa oo laga hirgaliyey laydhka gaadiidka kala haga

Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa laydhka casriga ah ee gaadiidka kala haga ka hirgelisa magaalo-madaxda.

Laydhkan ayaa sida Dawlada Hoose tibaaxday wuxu wax ka tari doonaa habsami-u-socodka gaadiidka magaalada, wuxuna hoos u dhigi doonaa saxmadda iyo culeyskii ka jiray jidadka Hargeysa.

Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wacyigelin u samaynayaan gaadiidleyda Hargeysa, taas oo ku saabsan habka ugu habboon ee loo waafaqayo sharciga ku lifaaqan laydhkan wax kala hagga. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay wixii muddadaas ka dambeeya ciddii ku xad-gudubta in ay ganaax mutaysan doonto.

Kala-hagahan gaadiidka waxa hadda laga hirgeliyey lix isgoys oo Hargeysa ku yaalla, waxana la rajaynayaa in isgoysyada hadhayna mustaqbalka laga hirgelin doono.

Duqii hore ee Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle ayaa dhawr iyo toban sanno ka hor mar laydhkan ku xidhay isgoysyada Hargeysa hase ahaatee ma uu waarin iyadoo sababtana lagu sheego in ay ku shaqaynayeen farsamo hore oo kharash badan iyo tamar aan ahayn tan qorraxda.

Tallaabadan ayaa noqonaysa mid ay Dawladda Hoose ee Hargeysa dhinaca wanaagsan u qaadday, waxayna ku soo beegmaysaa wakhti jidad door ah oo magaalada ku yaallaa ay sugayaan dayactir.

bandhige@gmail.com