Ururka SOLJA oo maanta aqoon iswaydaari ka furay Boorama

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano SOLJA ayaa maanta ka bilaabay aqoon-is-waydaarsi soconaya mudo sadex cesho ah magaalada Boorama kaasi oo loo qabtey suxufiyiinta ka hawl gala gobolka Awdal eek a shaqeeya warbaahinta kala duwan.

Furitaankii aqoon iswaydaarsigaas waxaa ugu horayn ka hadlay agaasimaha ururka Solja Cabdiraxmaan Rabiile oo ka warbixiyey waxa loogu talo galay aqoon korodhsigan oo uu sheegay in uu laba qaybood ka kooban yahay kuwaas oo kala ah doorashooyinka iyo kaalinta ay warbaahintu ku leedahay iyo kan labaad oo ah aqoonta aas aasiga ah ee looga baahan yahay qofka suxufiga ah waana laba aqoon korodhsi oo is barbar soconaya ayuu yidhi mudane Rabiile.

Waxaa isana sidoo kale ka hadlay Yoonis Cali Nuur oo ah rug cadaa saxaaafadeed kuna hadlaayey magaca wasiirka warfaafinta iyo wacyi galinta Somaliland waxaanu ka warmay kulamada noocan oo kale ah qiimaha iyo faa’iidada ay u leeyihiin bahda warbaahinta sidii ay u kala faa’iidaysan lahaayeen.

Waxaa furay aqoon iswaydaarsigaas oo hadal dheer ka jeediyey gudoomiyaha ururka Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuute) oo sheegay in aqoon iswaydaarsigan lagu qaban doono dhamaan gobolada dadlka oo dhan oo gobol kasta caasimadiisa laga fulin doono, waxaa kale oo uu ka warbixiyey sideedii bilood ee ay hogaanka ururka hayeen waxyaabihii u qabsoomay.IMG_0197DSCF8218

Waxaa ka mid ahaa marti sharaftii ka soo  qayb gashay ee isla goobtana ka hadlay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed oo ku nuux nuuxsaday hadii ay xilka dalka la wareegeen in ay sida ay maanta warbaahinta u tix galiyaan ay markaasan u tix galin doonaan oo muxaafidnimadu aanay waxba ka badali doonin sida ay u ixtiraamayaan xoriyada Hadalka iyo warbaahinta.

Suxufiyiinta labada aqoon iswaydaaris ka qayb qaadanaysa ayaa tiradoodu dhan tahay 35 suxufi oo ka hawl gala gobolka Awdal.

IMG_0196