Ha’yadda UN-Habitat qalab xafiisyo gaadhsiisayn 8 Degmo

Hay’ada UN-Habitatayaa ayaa waxay qalab xafiisyo gaadhsiiyey 8 degmo oo ka mid ah degmooyinka Somaliland, kuwaas oo uu ka shaqeeyo barnaamijka hor-u-marinta dawladda ee loo yaqaano JPLG,

Qalabkan xafiisyada ayaa ka koobnayd 30 Koombiyiitar,19 haadh-dhis, iyo 11 birintar taas oo ay Hay’addu ugu talo-gashay in lagu hor-u-mariyo adeegyadda bulshada.

waxaa madasha hadal kooban ka soo jiidisay madaxa hay’ada UN-Habitat Caasha waxaanay tidhi:

“Run ahaatii hay’ada UN-Habitat waxay wada shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dawladaha Hoose, tan iyo wakhtigii ay dalka timid Hay,adu ee sanadkii 1998, waxaanan ku hawlanayn sidii dadku u heli lahaayeen adeegyo bulshada lagu hor-mariyo, dhinaca kale mashaariicda aanu ku taageerno mashruuca JPLG waxaa barbar socda mashaariic loogu caawiyo dadka danyarta ah oo aanu guro u dhisno, waxaanu Hargeysa ka dhisnay 835 guri oo qaarna dhammaadeen qaarna la waddo, Burco 265 guri oo socda sidoo kale Berbera 185 oo socda, Boorama 215 guri oo socda, waxaanu ku ku tallo jirnaa sidii aanu u gaadhsiin lahayn adeegyadaas oo kale dhamaan degmooyinka Somaliland oo dhan.”

Ugu dambayntii waxaa madasha hadalo mahad naq ah ka soo jeediyey Hanti dhawrka Guud ee Qaranka Maxamuud Dheer waxaanu yidhi:

“Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Hay’ada UN-Habitat, runtii arrintani waa mid muhiim ah oo wax badan ka tari doonta baahiyaha kala duwan ee degmooyinka, waana mid aad loogu baahnaa, gaar ahaan dhinaca xisaabaadka, waxaanan leeyahay Hay’ada halkaa ka sii wada dadaalkiina.”

Qalabka lagu wareejiyey 8 degmo ayaa noqon doona mid wax weyn ka tara addeegyada bulshada ee dawladaha hoose u qabtaan bulshada.

bandhige@gmail.com