Hoggaamiyaha Jarmalka oo booqaneysa Turkiga

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa booqasho ku tagtay Turkiga oo ay wada-hadallo la yeelanaysaa madaxda Turkiga kuwaasi ay kala hadli doonta arrimaha qulqulka muhaajiriinta.

Waxa la filayaa in ay la kulanto Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Turkiga, Markel ayaa waxay qorshaynaysaa sii loo xakamayn lahaa tirada muhaajiriinta.

Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa siinaya Turkiga lacag iyo waxyaabo kale oo ay ka mid tahay in muwaadiniintooda ay dalalka Yurub fiise la’aan ku gali karaan Yurubta inteeda kale.

Merkel ayaa waxay hore ugu eedaysay nTurkiga in ayna waxba ka qaban arrimaha xuquuqda aadamaha, taasi oo ay kaga hor istaagaysay Turkiga in uu ka mid noqdo Yurub.

Balse wakhti xaadirkan waxa isbadalay fikirkoodii hore ee ay kaga soo horjeedsanaysay Turkiga, imikase waxay doonaysaa in ay ka hesho caawimo deg deg dhinaca arrimaha qaxoontiga.

bandhige@gmail.com