Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo ku amray ciidamadiisa jiida hore inay u diyaar garoobaan dagaal

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa amray in ciidamadiisa jiidda hore ku sugan ay isku diyaariyaan dagaal, iyadoo xiisada laba Kuuriya ay cirka isku shareertay.

Ciidamada labada dal ayaa shalay madaafiic aad u culus isku dhaafsaday xuduudda.

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim ayaa Khamiistii iskugu yeedhay kullan deg deg ah oo looga hadlayo xaalada loogu diyaar garoobayaan dagaal.

Intii kulanka lagu jiray ayuu Kim amray ciidamada jiida hore inay isku diyaariyaan dagaal, kuna shaaciyey in dalka galay xaalada dagaal.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadaha laba Kuuriya ayaa sheegay in dagaal ka dhex dhaca labada dal ay sii xumayn doona xaalada.

Madaafiicda la isdhaafsaday waxa ay bilowdeen ka dib markii Waqooyiga Kuuriya ay riday gantaal ay uga jawaabeysay dacaayad ka dhan ah Shuuciyadda oo ay baahiyeen warbaahinta Kuuriyada kuwaas oo la mariyay sameecado aad u qaylo dheer.

Kuuriya2

bandhige@gmail.com