Raysal Wasaarihii Giriiga oo iscasilay

Raysal Wasaaraha Giriiga Alexis Tsipras oo kala hadlayey dadweynaha TVga khudbad toos ahayd ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay xilka Raysal Wasaare, kuna baaqay in la qabto doorasho deg deg.

Waxa uu sheegay in wakhtigii adkaa maanta la dhaafay, waxaanu tilmaamay hadda laga wada hadlo sidii dalku u aqbali lahaayeen heshiisyada iyo go’aan ka gaadhistooda.

Mar uu ka hadlayey Baarlamaanka Giriiga waxa uu yidhi:

Baarlamaanka wakhtigani ma samayn karaan dawladda lagu midaysan yahay.”

Illo wareedyo u dhuun daloola dawladda ayaa sheegay in wakhtiga doorashada la soo jeediyey inay dhacdo 20 Sibtambar.

Tripras ayaa waxa soo wajahay mucaaradad xoogan oo kaga timid xisbigiisa dhexdiisa, kuwaas oo ku eedeeyey in uu aqbalay heshiishka aad u adag oo dayn qaadasho 95 milyan ah oo dad badan oo Giriigi ahi ka soo horjeedaan.

bandhige@gmail.com