Hoggaamiyihii falaagadda Koongo oo maanta la hor keenayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada

Hogaamiyihii falaagadda Koongo ee Bosco Ntaganda ayaa maanta la hor keenayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, dhageysi dacwada ayaa dib u bilaabmaysaa.

Hoggaamiyahan ayaa shalay Maxkamadda horteeda kaga dooday in aanu galin 18 dambi oo loo haysto, oo isugu jiray kufsi, dil, iyo caruur yar yar oo uu askar ka dhigay.

Waxa maanta la dhageysan doonaa Qareenadda u doodaya dhibanayaasha iyo eedaysanaha.

Dacwaddan ayaa noqonaysa dacwadii ugu horeysay ee hoggaamiye lagu eedeeyey in uu carruur kufsaday.

Sidoo kale Bosco Ntaganda waxa lagu eedeeyey inuu dilay dad ka badan 800 oo ruux muddadii u dhaxaysay 2002-dii ilaa 2003-dii, waxa sidoo kalen loo haystaa kufsi uu u gaystay gabdho uu askar qoray.

Qareen ka mid ahaa dacwad oogayaasha Bosco Ntaganda ayaa sheegay in dagaalyahanada jabhadii Union of Congolese Partriots (UCP) ee uu madaxda ka ahaa Jeneral Ntaganda, ay si badheedh ah oo aan kala go’lahayn u kufsan jireen gabdhaha yar yar, iyaga oo isku dhiidhiibi jiray Taliyayaasha jabhadaasi.

Ninkan oo isku dhiibay safaarada Maraykanka ee ku taala dalka Ruwanda sanadku markuu ahaa 2013-dii.

Hay’ada u dooda xuquuqal Insaanka ayaa iyagu aad u soo dhaweeyey arrintan maxkamadaynta hoggaamiyahan, kuwaasi ku sheegay inay talaabadani ay cadayn u tahay kuwa hadda awooda is bidaya in maalin uun sharciga la soo hor joojin doono.

bandhige@gmail.com