Haweenayda Muslimadda ah ee shaacisay in ay la tartamayso Madaxweynaha Ruushka

 

Aina Gamzatova waa 46 jir ka soo jeedda gobolka Dagestan ee dalka Ruushka. Waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay tartan la galayso madaxweynaha Ruushka bisha doorashada la muddeeyey in ay qabsoonto bisha March 2018-ka.

Boqolaal ka mid ah taageereyaasheeda ayaa Sabtidii shalay isugu soo baxay magaalo madaxda gobolka Dagestan ee Makhachkala si ay u muujiyaan taageerada ay la barbar joogsanayaan.

Aina Gamzatova waxay madax u tahay warbaahinta muslimiinta ee ugu weyn dalka Ruushka ee la yidhaa Islam.ru oo ka kooban telefishan, radio, wargaysyo iyo daabacaadda buugaagta.

Saygeeda oo lagu magacaabo  Akhmad Abdulaev waa muftiga gobolka Dagestan.

Haweenaydan oo ka soo jeeda dariiqada Suufiyadda, ninkeedii ugu horreeyey oo ahaa hoggaamiye diineed lana odhan jiray Said Muhammad Abubakarov waxa la isku qarxiyey sannadkii 1998 halkaas oo lagu dilay. Ilaa hadda lama helin ciddii falkaas gaysatay laakiin waxaa loo nisbeeyey koox aaminsanayd dariiqada Wahaabiyadda.

Sida muuqata uma badna in ay haweenaydani cidhiidhi gelin doonto laakiin waxa la aaminsan yahay in ay wax ka beddeli doonto fikradda laga haysto dumarka muslimiinta ah ee ku dhaqan Ruushka.

“Xataa haddii ay guulaysan waydo, waxay meesha ka saari doontaa fikraddii khaldanayd ee laga haystay dumarka muslimiinta ah ee Ruushka kuwaas oo loo arkayey in ay yihiin xaasas kali ah” sidaa waxa yidhi ku-xigeenka Wasiirka Cayaaraha ee maamul-goboleedka Dagestan.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com