Hungari oo taageero u raadineysa joojinta qaxoontiga Yurub ku soo qulqulaya

Ra’iisal-wasaaraha Hungari Vicvtor Orban oo waddankiisu ka xidhay qaxoontiga xuduudda uu la wadaago waddanka Seerbiya, waxa uu taageero u raadinayaa xidhista xuduudda uu dalkiisu la wadaago dalka Kuruweeshiya si ay u joojiyaan qaxoontiga ka soo galaya xuduuddaas.

Orban iyo Raysal Wasaaraha Ustari Werner Fayman ayaa waxay shir-saxaafadeed ay ku qabteen maanta Viyeena ayuu ku sheegay arrintan.

Orban ayaa ballan-qaaday in tallaabo kasta oo u dalkiisu qaato ay noqon doonto mid aan qarsoodi ahayn oo cad, wuxuuna  ammaanay iskaashiga ay Seerbiya kala sameeynayso Hungari dhinaca la tacaalidda qul-qulka muhaajiriinta.

Ra’iisal-wasaaraha Hungari wuxuu intaasi ku daray in uu shaki ka qabo in  dalka Kuruweeshiya uu fulinayo taallaabadan oo waafaqasan shuruucda  Midowga Yurub ay wax kaga  qabanayso xaaladda muhaajiriinta.

Midowga Yurub waxaa uu ku dhawaaqay Khamiistii in howgalka  lagu xakameeynayo muhaajirinta ka soo gudbaya badda Medhatareeniyanka uu geli doono wejigiisa 2-aad 7-da bisha  Oktoobar ee  soo socota.

Qulqula muhaajiriinta ayaa saameyn weyn ku yeeshay waddamada Yurub, welina waxa soconaya dedaallada lagu doonayo in arrinkan xal lagaga gaadho.

bandhige@gmail.com