Ingiriiska oo weerer duqayn ah ku dilay 2 muwaadiniintiisa ka mid ah oo ISIS u dagaalamayey

Boqortooyada Ingiriisku waxay shalay u dhammaysay saddex ka mid ah muwaadiniinteeda oo ka barbar dagaalamyey ISIS, kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Ingiriisku ay dusha ka duqeeyeen iyaga oo ku sugan Suuriya.

Ra’iisal-wasaaraha Ingiriisku wuxu weerarkan amray isaga oo aan fasax ka haysan baarlamaanka Ingiriiska in uu weeraro Suuriya. Hase ahaatee Ra’iisal-Wasaare Kamaruun wuxu sheegay in weerarkani ahaa mid dalkiisa uu ku difaacayey kadib markii ay heleen sirdoon la isku halayn karo oo dhigayey in Reyaad Khan iyo Ruhul Amiin ay qorsheeyeen weerar ka dhan ah Ingiriiska kaas oo fulintiisii uuni u hadhsanayd.

Dilka labadan muwaadin ayaa buuq ka dhex abuuray baarlamaanka Ingiriiska sidoo kale wuxu dood adag ka dhex dhaliyey dadweynaha iyadoo ay dad badani ku doodayeen in labadan muwaadin arrinkooda si kale loo maarayn kari lahaa.

Waa markii koowaad ee xukuumadda Ingiriisku ay muwaadiniin dalkeeda u dhashay oo ISIS ka barbar dagaalama beegsato.

Bandhige@gmail.com