IRADA iyo UNFPA waxay wadajir Boorama ugu qabteen kulan lagaga hor tagayo guurka qasabka ah

Ururka maxaliga ah ee Initiative for Research and Development Action marka la soo gaabiyana la yidhaahdo IRADA horayna loo odhan jiray Training and Research Group “TRG” oo mashaariic ka waday Somaliland tan iyo 2004 ayaa sanadkan ugu danbeyay ee aan ku jirno waday mashruuc ku sahabsan tacadiya ka dhanka ah haweenka, gaar ahaan wuxu gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Saaxil ka waday dedaalo lagaga hortagayo Guurka qasabka iyagoo aad u da’yar lagu khasbo cid aanay doonayn in ay guursadaan.

Kulankan ka dhacay Boorama oo socday mudo lix cisho ah ayaa waxa ka soo qayb galay 100 qof oo ka kala socdaay bulshada kala duwan, maamulka iyo shaqaalaha IRADA iyo bixiyayaasha casharadan.

Xidhitaankii kulankan oo Bandhige goob joog ka ahaa waxaa ka soo qayb galay maamulka iyo shaqaalada IRADA iyagoo hadalo kala duwan ka soo jediyay halkaa.

Ugu horayn waxaa xafladan ka hadlay gudoomiyaha IRADA ee gobolka Awdal Nuur Yuusuf oo ka warbixiyay soona dhaweyay ka soo qayb galayaasha, wuxuuna uga mahad naqay soo ajiibitaankooda martiqadkan

Sidoo kale waaxa isna ka hadlay agaasimimaha guud ee IRADA Ridwaan Maxamed Ibraahim. Wuxuu u mahadnaqay ka soo qayb galayaasha sidoo kale wuxuuna sheegay in howshan ay maanta isugu yeedheen ay iska kaashadeen hay’ada UNFPA, wuxuu sidoo kale ka warbixiyay mashruucan oo uu sheegay in lagu bilaabay koox dhallinyaro abwaano ah oo la isugu yeedhay si ay u sameyeen fariimo lagu wacyi galinayo dadka sidii loo yarayn laha guurka qasabka ah, wuxuuna xusay in maanta loo baahan yahay ka bulsho ahaan in aynu meel ka wada istaagno sidii loo cidhib tiri lahaa guurka qasabka ah.

sidoo kale wuxuu sheegay in mashruucan ka bulsho ahaan faa’iido badan inoogu jiro.

Fariimaha ay gudbinaysay IRADA oo badnaa waxa ka mid ahaa labadan fariimood oo kala ah (Aroos aanan jeclayn, maxaa layga aloosi iyo Hadduu qasab guurku galo, khilaaf baa laga dhaxlaa), fariimahan oo la filayo in ay wax weyn ka tari doonaan dedaalka lagu doonayo in guurka khasabka ah lagaga joojiyo bulshaweynta Somaliland.

 

bandhige@gmail.com