Israa’iil waxay duqayn ka gaysatay Suuriya dhexdeeda

Xukuumadda Israa’iil ayaa duqayn ka gaysatay gudaha waddanka Suuriya kadib markii ay beegsatay gaadhi nooca yaryar ah oo marayey daanta aanay Israa’iil maamulin ee Golan Heights.

Israa’iil waxa ay sheegtay in ay bar-tilmaameedsatay koox ka tirsan xarakada Islaamic Jihaad oo halkaas maraysay.

Haase ahaatee xukuumadda Suuriya ayaa sheegtay in weerarku haleelay 7 askari oo ka mid ah ciidamada Suuriya.

Sidoo kale ciidamada Islaamic Jihaad ayaa dafiray in la weeraray ciidan ay leeyihiin isla markaana wax la dilay aanay jirin.

Waa weerarkii labaad ee ay Israa’iil ku qaaddo Golan Heights muddo laba todobaad gudahood ah.

Bandhige@gmail.com