Baarlamanka Israel ayaa maanta ansixiyey sharci muran badan dhaliyey oo dhigaya in kaliya dadka Yahuudda ee Israel ay leeyihiin xuquuqda goโaan ka gaaris ee dalka, islamarkaana dhiiri-gelinaya deegaanada Yahuudda.
Shircigan ayaa lagu ansixiyey codad ah 62-55 kadib sideed saac oo dood xooggan iyo cambaareyn ah, gaar ahaan xubnaha carabta ee ku jira baarlamanka.
Sharci-dejiyayaasha carabta ayaa jeexay nuquladii sharciga, ayaga oo ugu yeeray โgeeridii dimoqraadiyaddaโ iyo โfaquuqii ugu sarreeyeyโ ee Israel.
Hase yeeshee, raโiisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ammaanay sharciga oo uu ugu yeeray โdaqiiqad taariikh weyn u leh sahyuuniyadda iyo dalka Israelโ
70 sano kadib markii la aas-aasay dalkan Yahuudda, ayaa sharciga waxa uu qeexayaa โIsrael waa dhulka taariikhiga ah ee dadka Yahuudda, waxayna leeyihiin xuquuqda gaarka ah, ee goโaan ka gaaristeeedaโ
Xigasho: VOA Somali