Itoobiya waxa xannibaadii ka qaaday diblomaasiyiinta

Dawladda Itoobiya ayaa xannibaada ka qaaday diblomaasiyiinta dalkeeda ku sugan ee u safraya masaafo ka baxsan 40 kilo mitir caasimadda Addis Ababa.

Xannibaadaasi ayaa qeyb ka ahayd xaaladda deg-dega ah ee dalkaasi lagu soo rogay, kadib bilooyin ay socdeen rabshadihii ugu xumaa ee Itoobiya soo mara muddo sannado ah.

Wasiirka gaashaandhiga Itoobiya, Siraj Fegessa, ayaa sheegay in xannibaada la qaaday maadaama ay dalkaasi xasiloonnidii kusoo laabatay.

Balse waxaa weli shacabka dalkaasi saaran bandow iyo in aanay ka hadli karin arrimaha siyaasadda.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dad ka badan 500 oo qof ay ku dhinteen rabshadihii dhowaan ka dhacay Itoobiya.

Qoomiyadaha dalkaasi ugu tirada badan ee Oromada iyo Amxaarada ayaa waday dibedbaxyo ay kaga soo horjeedeen dawladda.

bandhige@gmail.com