Jarmalku waxay ku baaqeen in la joojiyo go’doominta Qadar

 

Dawladda Jarmalka ayaa ku baaqday in dadaalo diblumaasiyadeed lagu xalliyo dhibaatada sii kordheysa ee Qadar, taas oo afar dal oo Carab ah ay ku eedeeyeen in ay maalgeliso argagixisada.

Sucuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Masar iyo Baxrayn ayaa Isniintii waxa ay dalka Qadar u jareen xidhiidhka socdaalka iyo midkii diblumaasiyadda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jarmalka, Sigmar Gabriel, oo hadlayay kaddib markii uu martigaliyay dhiggiisa Qadar, ayaa ku baaqay in la qaado xayiraadaha badda iyo cirka ee Qadar lagu soo rogay.

Qadariyiinta ayaa diiday eedaha ah in ay taageeraan kooxaha xagjirka Islaamiyiinta ah.

Tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeeyo Qadar iyo dalalka ay dariska yihiin, ayaa Jarmalku waxa uu xoogga saarayay in xal diblumaasiydaeed lagu dhammeeyo arrinta.

Gabriel ayaa laba maalmood ka hor la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudi Carabiya, Caadil al-Axmed al-Jubayr, waxa uuna sheegay in dhammaan dhinacyada ay doonayaan in ay ka fogaadaan in ay xaaladda sii xumaato.

Kaddibna Jimcaha maanta ah ayuu Gabriel magaalada Wolfenbuettel ee waqooyiga Jarmalka waxa uu kala hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar, Sheekh Maxamed bin Cabduraxmaan al-Thani.

Markaasi kaddibna Gebriel ayaa u sheegay weriyayaasha:

“Waxaannu haatan ku qanacsan nahay in la joogo saacaddii diblumaasiyadda, oo waxaa qasab ah in aannu wadahadalno; iyadoo ay joogaan saaxiibadayada Ameerikaanka iyo saaxiibadeenna gobolka, waa in aannu iskudayno inaan xal gaadhno, gaar ahaan waa in la qaado xayiradaha badda iyo cirkaba.”

bandhige@gmail.com