Jenaraal ay aad isku dhawaayeen Madaxweynaha Burundi ayaa lagu dilay Bujumbura

Dalka Burundi oo mudooyinkii u dambeeyey ay ka taagnaayaa qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay teeramka saddexaad ee Madaxweyen Pierre Nkurunziza ayaa waxa weerar lagu dilay jenaraal Nshimirimana oo ay aad isku dhawaayeen madaxweynaha.

Dhinaca Madaxweyne Pierre Nkurunzizia ayaa ku dhawaaqay in todobaad gudihiis lagu soo qabto dadkii ka dambeeyey dilkii jenaraalka.

Sidoo kale waxa Madaxweyne Pierre ugu baaqay dadka reer Burundi inay isdejiyaan oo ay nabad-gelyada ilaaliyaan, waxa kale oo uu bulshada rayidka ugu digey in aanay ku lug yeelan dadka rabshadaha wada.

Madaxweyne Pierre waxa uu taliyaha ku la dilay ku amaanay dhismaha ciidanka booliska iyo militeragi Burundi oo uu qayb weyn oo laxaad leh ka qaatay.

Madaxweyne Pierre ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtooyadda bishii hore ee muranka badan dhalisay ee mucaaridkuna qaadaceen.

Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay rabshadu ka socda waddanka Burundi, in 158,000 waxay u qaxeen waddamada jaarka sida lagu sheegay warbixin Qarama Midoobay soo saartay dhawaan.

bandhige@gmail.com