Jihadi John oo loo malaynaayo in lagu dilay weerar uu Maraykanku la beegsaday

Wararka hordhaca ah ee ka soo baxay ciidamada milateriga Maraykanka ayaa sheegaya in Jihadi Johnooga yaqaanay “Maxamed Emwazi” oo ka tirsanaa kooxda Daacish lagu dilay weerar dhinaca cirka oo ku qaadeen gudaha Suuriya.

Xogahan ayaa waxay tibaaxayaan inaysan ee wali cadayn in uu ku dhintay weerarkan balse xogahan ayaa waxa loo badaniyaan in ninkaasi ku dhintay weerarkaas.

Weerarkan ayaa waxa uu dhacay habeenkii Khamiistii oo weerarkaas qaadeen diyaaradaha aan cidi wadin, sida ay wararku sheegayaan in diyaaradani gantaal ku ridday gaadhi uu saarnaa Jihadi John oo Daacish looga yaqaanay “Maxamed Emwazi”. Sida ay wararkani sheegayaan weerarkaas waxay ku dhintay isaga iyo 3 qof kale oo aan magacooda sa la sheegin. Weerarka ayaa waxay uu ka dhacay meel  u dhow magaaladda Raqqa.

Jihadi John oo u dhashay Kuweyt ayaa waxa uu sita dhalashada Ingiriiska ayaa dhowr jeer kasoo dhex muuqday muqaallo daawasho ah oo dad lagu gawracayo kuwaasi oo ay ka mid ahaa weriyayaal iyo shaqaale samafal.

Xoghayaha Warfaafinta Pentagon-ka Peter Cook ayaa sheegay inay weli qiimeynayaan natiijada weerarka, hase yeeshee koox Suuriyaan ah oo la socota arrimaha xuquuqda aadamaha ayaa sheegtay in “Jihadi John” uu ka mid ahaa afar qof oo weerarka ku geeriyooday.

Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay in aanu hubin in weerarku ahaa mid lagu guulaystay, sidoo kalena lala wadaagay Ingiriiska oo bartilmaameedsanayey Jihadi John.

bandhige@gmail.com